Kenya oo sheegatay inay Duqeyn ku dishay Askar iyo Horjooge Al-shabaab ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fulisay degaanno kamid ah gobolka Gedo.

Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay duqeeyeen Saldhigga Al- Shabaab ee degaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo.

Sarkaalkaasi oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xusay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo (Cali Shangalow).

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay sarkaalkaasi u hadlay ciidamada Kenya in ay dileen tiro kale oo Al-Shabaab ah , oo ku sugnaa Saldhigga la duqeeyay.

majiro war kale oo ka madax banaan sheegashada sarkaalkaas oo ku aadan warka la xariira inay duqeyn ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.