Kenya Oo Kalluumeysiga Ka Mamnuucday Xadka Xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa soo saartey go’aan cusub oo ay kaga mamnuucday howlaha Kalluumeysi xeebaha ku dhaw xuduuda Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka Xeebta ku yaalla ee Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay inuusan jirin doonin waxaa hadda ka dambeeyay kalluumeysi laga sameeyo nawaaxiga Ras Kamboni iyo degmada Kiunga.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha Kalluumeysiga laga mamnuucay ay marin u u noqdeen alaabaha Kontor-baanka ah ee laga keeno dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dusha kala socon doonaan dhaq-dhaqaaqa xeebaha ku dhaw Soomaaliya, islamarkaana la xiri doono qofkii jebiya amarka cusub.

Go’aankan ayaa si toos ah u saameyn doona kalluumeysatada u dhashay Kenya, oo horey uga kalluumeysan jiray xeebaha gobolka Lamu ee kaabiga ku haya xadka Soomaaliya.

Kenya ayaa waday mudooyinkii dambe dedaallo ay wax uga qabanayso amni darrada dalkaasi, oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro, gaar ahaan magaalooyinka xadka dhaca iyo caasimadda, Nairobi.