Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ka billaabay qaybo ka mid ah Ismaamulka Mandheere, kadib markii ay kordheen falalka liddiga ku ah amaanka Ismaamulkaas.
Amni darada kusii baaheysa Ismaamulka Mandhera ayaa lagu eedeeyna inay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab oo marar badan weeraro gaadmo ah ka dhex geysatay deegaano ku yaala Ismaamulka Mandhera.
Saraakiisha Hay’adaha amaanka dalka Kenya oo kaashanaya kuwa Ismaamulka Mandhera ayaa sheegeen iney beegsanayan goobo gaar ah oo lagu tuhmayo in kooxda Al-shabaab weerarada kasoo qaadaan.
Waxaa sidoo kale Saraakiisha ciidanka amniga dalka Kenya shaaciyeen iney xooga saarayaan adkaynta amniga Ismaamulka Mandhera oo maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay dhacdooyin ka hor imaanaya xasiloonida, islamarkaana walaac ku abuuray Bulshada ku nool deegaanadaas.
Dhacdooyinkaas waxaa u dambeeyay afduub Kooxo hubaysan Jimcihii lasoo dhaafay u geysteen mid ka mid ah Gawaarida dowladda Hoose ee Mandhera, waxaana waqtigaas wixii ka dambeeyay dhacay kulamo looga hadlay sidii looga hortagi lahaa falalka noocaas oo kale ah, loona soo qaban lahaa kooxahaas afduubka ka geystay gudaha magaalada Mandhera.