Jubbaland oo soo gabagabeeysay doorashada kuraasta Aqalka sare

Waxaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose doorashada afar kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka sare Xildhinaabada uga mid noqonaya maamulka Jubbaland Baarlamaanka Soomaaliya.

Sideed Musharax ayaa ku tartantay afarta kursi ee maanta doorashadooda ka dhacday magaalada Kismaayo.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Xasan Daahir Yaroow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana ku guuleystay tarankii kursiga Cali Daahir Yaroow oo noqday Senatarka afarta sano ee soo socota, isagoona helay 59 Cod, Cabdi Xuseen Cali uu ka helay 13 cod.

Kursiga labaad ee doorashadii maanta waxa ku wada tartamay Ibraahin Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi, waxaa kusoo baxay tartanka kursiga Ibraahin Awgaab Cismaan oo helay ilaa 57 cod, halka Farxiyo Macalin Cabdi ay ka heshay 14 cod.

Kursiga sadaxaad ee maanta doorashadiisa dhacday waxaa ku wada tartamay laba haween ah oo lagu kala magacaabo Leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed, waxaana kusoo baxay tartanka kursigaas Leylo Nuur oo noqotay Senatarada afarta sano ee soo socota, iyadoona heshay 63 cod, halka Xareedo Maxamed ay iyana heshay 9 cod.

Kursiga Afaraad ee maanta ee doorashadiisa ka dhacday  magaalada Kismaayo waxaa isna ku wada tartamay laba haween ah oo kala ahaa Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay 50 Cod, Samsam Maxamed Bishaar ay ka heshay 22 cod.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo gebagabeeya doorashada kuraasta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in dhawaan maamulka Galmudug uu soo doorto labada kursi oo uga harsan Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Gabagabadii doorashada kadib Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa fariin hambalyo ah u diray Senatarada cusub ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoona sheegay iney doorashada maanta usoo gabagaboowday ay tahay mid ku dhiira galineysa qabashada shaqooyinka kale ee horyaala.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka  JFS. Waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah. Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka  ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Goobsan Media Inc.