Jubbaland oo Gacanta Ku Dhigtay Ajaanib Ka Tirsan Kooxda Alshabaab.

Ciidamada Ammaanka ee maamulka Jubbalaand oo howlgal ka sameeyay  degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose galinkii dambe ee shalay waxa ay gacanta ku dhigeey sadex nin oo la sheegay in ay ahaayeen ajanabi ka barbar dagaalamayay Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saddexdaan Nin ee ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ayaa u dhashay dalka Tanzania baaritaanna uu ku socda wixii ka soo baxana ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

Jubballand ma aysan sheegin haddii ay dagaal ku qabteen xubnahaan ay sheegeen in ay ahaayeen Ajaanib ka bar-bar dagaalamaysan Alshabaab in in kale hase’ahaatee waxa ay sheegeen in kaliya howlgalku ka dhacay Afmadoow kuna qabteen Ajanibtaas.