Jubbaland oo digniin adag u jeedisay dadka taageerada siiyo Al-shabaab

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shacabka magaalada Luuq ee gobolka Gedo kula hadlayay meel fagaaro ah ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

C/rashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka Gedo, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay  ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Al-Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan, Jubbaland ayuu sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii lagu tuhmo in ay Al-Shabaab taageerto.

Xoogaga Shabaab ayaa deganada ay ka maamulaan Gobolada dalka Somaliya dadka ku nool waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zakawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstada ah uga digtay inay bixiyaan dhaqaalo Shabaab lagu taageeraayo.