Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa saaka in muddo ah lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde isagoo doonayey inuu ka dhoofo dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdala Cabdalla laga hor istaaagay inuu ku safro baasaboorka Diblomaasiga ee uu heystay, iyadoo arrintaasi ay dhalisay in muddo saacad u dhow muran ka dhasho socdaalkiisa iyo Basaboorka uu watay Jen. Cabdalla Cabdalla oo xilkii laga qaadya, lahaan dhigay darajadii ciidan ee uu heystay.
Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdala Cabdala ayaa arrintiisa waxaa farageliyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga, waxaana loo ogolaaday inuu safro kadib markii laga reebay Baasaboorka diblomaasiga, isagoo adeegsadya Baasaboor dal kale.
Jen. Cabdalla Cabdalla ayaan wax xayiraad ah lagu soo rogin, waxaase soo wajahay culeys siyaasadeed markii uu wareysi siiyey idaacadda VOA-da, iyadoo markaas kadib lagu sameeyay shaqo joojin, xil ka qaadis iyo waliba laga xayuubiyay dhammaan darajooyinkiisa Ciidannimo oo ee Sarreeyo Guuto