Jawaari oo lagu Wergeliyay inuusan Guddoomin doonin fadhiga Maanta ee Baarlamaanka

Wararkii ugu danbeeyay xaaladda Mooshinka Guddoomiye Jawaari iyo kulanka lagu wado inuu Maanta qabsoomo ayaa sheegaya in guddoomiye Jawaari loo caddeeyay inuusan guddoomin doonin shirka Maanta ee Baarlamaanka.

Saraakiisha AMISOM oo kulan Xalay la qaatay ayaa Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u sheegay inay ammaankiisa sugayaan ayna geyn doonaan xarunta Baarlamaanka, kulankuna ku socon doono ajendaha kalsooni kala noqoshada mooshinka laga keenay, taasoo keeneysa inuusan guddoomin fadhiga balse uu ka mid noqdo xildhibaannada caadiga ah.
AMISOM ayaa dadaal ugu jira in kulanka ku dhammaado si nabad ah oo la qaado cod lagu kala baxo Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la ogeyn jawaabta Jawaari iyo inuu ku qanci doono iyo in kale.

Dhinaca kale dhammaan xildhibaanada ayaa loo sheegay inaan wax ilaalo ah lala tegi doonin xarunta Baarlamaanka Berrito.