Jawaari:-Hadii Ciidamadu Ku Sii Sugnaadaan Xarunta Baarlamaanka Waxay Keeni Kartaa In Shacabku Difaacdaan”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xalay Fiidkii Warbaahinta shir jaarid oo waxyaaba kala duwan uu uga hadlay ku qabtay magalada Muqdisho ayaa waxaa uu si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga gudbiyey Bartamaha bishaan March.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Mooshinku uu ka yaal ee golaha Shacabka waxaa uu soo hadal qaaday ciidamada haysta wali Xarunta golaha Shacabka Soomaaliya waxaana uu sheegay inay tahay wax aan wali dhicin oo u muuqata afgambi lala damacsanyahay Baarlamaanka qaabka Ciidanka xukuumaddu ay ugu wareejisay xarunta golaha Shacabka,taasi oo keeni karta kacdoon shacab sida uu yiri,RW Kheyrre iyo Xukuumaddiisa ayuu faray inay faragalinta ka joojiyaan howlaha Baarlamaanka iyo xaruntoodaba maada aysan golaha Shacabku faragalin howlaha Xukuumadda.

Xaaladda Way sii adkaaneysaa oo wali waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka ka dhashay Mooshinka laga gudbiyey kaasi oo yeeshay wajiyo kala duwan sida in xiisad siyaasadeed uu ka dhax-abuuray Xildhibaanada iyo Guddoonka,Guddoonka sare iyo Waliba Xukuumadda iyo Guddnka Golaha Shacabka oo xildhibaanno ay kala taageerayaan.

Shalay waxaa arinta gacanta ka taagtay Guddi xallin khilaafaad ah oo Aqalka sare ay u magacaabeen dajinta arinta sida muuqata markii ay ku guul-dareysteen qaarkood way is casileen intii soo hartayna waa la kala diray.

Si walba sabtiga Barri ah ayaa laga dhur-sugayaa tillaabada la qaadi doono maadaama Guddoonka goluhu uu isku hayo Ajandaha looga hadlayo iyo Cidda Shir-guddoomineysa Kulanka Barrie e golaha Sjacabka