Dowladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo uu ku sheegay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in wax ka bedel ay ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Ururka Al Shabaab oo Soomaaliya ku metesha Al Qaacidda, iyada oo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya inay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya.
Talaabadan cusub ee Mareykanka uu qatay ayaa ujeeada ka dambeysa waxa ay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.