Dowladda Soomaaliya ayaa dhimtay waqtiyadii Shaqada ee Shaqaalaha Rayedka Soomaaliya inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Salax Jamac oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ugu horreyn hambalyo ku aadan dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay in ay nabad iyo farxad ku Soomaan.
Wasiir Saalax wuxuu sheegay in maadaama la gudagalay bisha ramadaan oo ah bil cibaado ay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aanka ah in la dhimo waqtiyada Shaqo Soo Galista iyo ka bixistaba.
“shaqaalaha Dowlada waqtiga shaqo ee bisha Ramadaan Waxa uu yahay 9:00AM – 3:00PM, bishaan waa bil uu Alle xurmeeyay, waa bishii cibaadada iyo dambi dhaafka, Eebe waxaan ka baryeenaa naxariis iyo dambi dhaaf, waxaana isku dardaarmeynaa Cibaado iyo Alle kacabsi badan si abaarha, fatahaadaha iyo Colaadaha dalka daashaday uu Rabi nooga dulqaado” ayuu yiri Mudane Saalax.
Shaqaalaha Rayedka ee Dowladda Soomaaliya ayaa Sida Caadiga ah Shaqada Soo gali jiray 08:00Am iyagoo ka bixi Jiray 04:00Pm, Waxayna tallaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya ay fursad u siin doontaa in waqti badan ay habeenkii Cibaadeystaan.