Itoobiya oo safaarad cusub dajisay Maamulka Somaliland (Sawiro)

Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn dhismo ay degto siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, taasoo ah calaamad  muujineysa aqoonsi, maadaama Somaliland ay horay iskeed ugu dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

 

Somaliland waxay horay wakiil ugu magacawday Itoobiya, kaasoo degenaa dhisme Ijaar ahaa, balse tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhismaha cusub waxay noqon kartaa mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Dhismaha cusub ee dowladda Itoobiya siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa ku yaalla Xaafada Bole, waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawirka dhismaha iyo boor ku qoran afka English-ka”The Republic of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa”, (Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

Dhismahan cusub ee ay ku shaqeyn doonto Xafiiska Diblomaasiyadda Somaliland ayaa wax calan ah laga taagan.

Itoobiya ayaa horay cilaaqaad iyo xiriir dhow ula laheyd Maamulada dalka ka jira, iyadoo taas dad badan ku tilmaameen mid fara gelin ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Itoobiya saami dhan 19% laga siiyay Dekeda Berbera oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Hase ahaatee tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhisme safaaradeed maamulka Somaliland, waxaa uu ka hor imaanayaa, hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ka sheegay safarkii uu Madaxweyne Farmaajo horaantii bishan ku tagay Addis Ababa, kaasoo ahaa in aysan fara gelineyn madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.