Isbadalo dhinaca Amniga oo lagu Sameeyay Taliska NISA Iyo Booliska

Isbadal cusub oo looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka Magaaladda Muqdisho,ayaa xalay lagu sameeyay talisyada Booliska, Nabad suggida iyo Taliska guud ee ciidamadda Taraafikada Gobolka Banaadir.

Taliskii Ciidanka Hay’adda NISA ee qaybta Gobolka Banaadir ayaa gabi-ahaanba la baabi’iyay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga dhigay Saadaq John, oo horey u ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka banaadir, iyo Taliyaha Ciidamadda Xasilinta caasimadda Soomaaliya.

Taliyaha Taraafikada waxaa laga dhigay Jeneraal Axmed Xasan Maalin oo horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Qaab dhismeedkan cusub ayaa ka duwan habkii hore, waxaana la sheegay in wixii hada ka dambeeya Nabadsugida Gobolka Banaadir ay u howl galayaan qaab qarsoon, halkii hore ay ka ahaayeen ciidan muuqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan ku howlan sidii isbadal loogu sameyn lahaa Hay’adaha amaanka dalka, kadib markii ay cabasho ka timid Shacabka Magaalada Muqdisho.