Iran oo sheegtay inay heshiis kula jiraan Al-shabaab Iyo Burcad Badeed Soomaliyeed

Dowladda Iran ayaa wadda dadaalo ladoonayo in gacantooda laga sii daayo burcad badeedda Soomaaliya iyo Al-shabaab 18 muwaadin oo iran u dhashay, sida ay baahisay Iran Tehran Times.

Afar ka mid 18 ruux ee Soomaaliya ku xiran waxay gacanta ugu jiraan burcad badeedda Soomaaliya halka 14 kalena ay u xiranyihiin Al-shabaab, sida uu sheegay xillibaan ka tirsan baarlamanka iran oo lagu magacaabo Cabdul Qafuur Iranejad.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in dhamaan ragaan Iran uy shashay ee ku xiran Soomaaliya ay yihiin kaluumeeysato si kala gaar-gaar ah loo qabtay.

Warbaahinta Iran ayaa sheegaya in dhawaan lasii deyn doono ragga ka kuulmeeysatada lagu sheegay ee Somaaliya ay ku heystaan Burcad iyo Al-shabaab