imtixaanka Mideysan ee Shahaadiga Waxbarashada Dowladda oo maanta loo fariisanayo

Sabti 20 May:. Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii Saddexaad qaadeysa imtixaan mideysan.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

Sidoo kale waxaa imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada qaadeyso ayaa ka bilaabanaya qaar ka mid ah gobolada dalka ee Soomaaliya Sida Galmudug , Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.