Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorshaynaysa in ay dhisto dhuumo saliideed oo isku xira dalka Eritrea iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya sidda ay shaaciyeen Warbaahinta dowladda Itoobiya.
Tan ayaa muujinaysa in ay tahay mid sii kordhinaysa saameynta dowladda Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.
Dowladda Ethiopia waxay bilowday inay soo saarto Saliid tijaabo ah oo laga helay kaydka dowlad degaanka Soomaalida bishii Juun waxaana ay u baahan tahay in loo maro Eritrea si ay u dhoofiso.
Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Itoobiya iyo Ereteria si loo soo afjaro dagaalkii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhaxeeyay Labadda dal.
Hashimy, oo bishii hore si rasmi ah loogu aqoonsaday hoggaaminta siyaasadda UAE ee hoggaanka Afrikada Saxaraha hoose, ayaa sheegtay in kulanka Abiy Ahmed ka dib in UAE doonayso in ay ka faa’iidaysto fursadaha maal-galinta ee Itoobiya, islamarkaana ay ku bixin doonto 100 Milyan si kor loogu qaado dhaqaallaha Itoobiya.
Wakaaladdaha Caalamka ayaa qoraya in taageeradda Imaaraadka ee Itoobiya ay xoogeysatay ka dib markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Wadda Ololo ka dhan ah dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ka dib markii ay diideen maalgalinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.