Imaaraadka Carabta ayaa saakay mar kale bilaabay in qalabkiisa ka rarto Xerada Jeneraal Gordon oo ku taala Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo wata Gaadiidka Kunteenarada ayaa saakay gaaray Xarunta Gordon,waxayna bilaabeen in ay rartaan gaadiid iyo hubka la sheegay in halkaas uu u yaalay.
Gaadiidka Kunteenaradda ee wada Qalabka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhanka Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo dhawaan la geeyay qalabkii ugu horeeyay ee laga raray Xerada Jeneraal Gordon.
Talaabadaan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka Xoogan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay dhawaan in gabi-ahaanba la joojiyay howlihii uu qaban jirey isbitaalka Sheekh Zayed Hospital ee ku yaala Degmada Shangaani ee Magaaladda Muqdisho.
Xiriirka Soomaliya iyo Imaraadka Carabta ayaa Xumaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.