Iimaam Soomaali Ah Oo Laga Soo Masaafuriyey Switzerland.

Dowladda Switzerkand ayaa xaqiijisay inay Ninkaasi oo Khadiib iyo Iimaan ka ahaa Masjid ku yaalla dalka Switzerland la soo masaafuriyey.

Masaafurintaasi ninkaasi ayaa la sheegay in lagala kulmay culays, kadib, markii uu horey ugu adkeystay inuu yahay  Muwaadin u dhashay dalka Ethiopia, balse, Hay’addaha Socdaalka iyo Ammaanka ee dalkaasi, waxay soo xaqiijiyeen inuu yahay Muwaadin Soomaali ah.

Warbaahinta Switzerland ee Swiss info channel waxay maanta ka soo xigatay Hay’adda Socdaalka dalkaasi in la masaafuriyey Ninkaasi oo aan magaciisa iyo sawirkiisa la shaacinin, kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey qalalaaso ka dhacay dalkaasi sannadkii 2017-kii.

Maxkamad ku taalla dalkaasi waxay 2 sanno ka hor amar ku bixisay in Khadiibkaasi la masaafuriyo, kadib, markii lagu helay inuu Khudbado aan sharci ahayn ka jeediyey Masjidka Al-nuur oo ku yaalla magaalladda magaalladda 6-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Winterthur  ee  ku taalla W/Glabeed dalkaasi.

Maxkamaddu waxay kaloo  ka mamnuucday Khadiibka inuusan dib u soo gelin Karin dalka Switzerland muddo muddo 10-sanno ah, waxayna Maxkamaddu amartay in albaabadda loo laabo Masjidka Al-nuur oo ay ku tilmaameen in Dhallinyarada lagu baro waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Xag-jirnimada.