Iimaam Soomaali ah oo dib loogala laabtay Dhalashadda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka  ayaa sheegtay inay Muwaadinnimadda Maraykanka kala laabteen Iimaamkii hore ee Masjidka ugu weyn magaalladda  Portland  ee Gobalka Oregon ee dalkaasi.

Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye ayaa lagala laabtay Dhalashadda dalkaasi, kadib markii uu isbuucii hore tegay Somaliland.

Laabashadiisa ayaa timid, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka isaga kula heshiisay inuu dib ugu laabo dhulka uu ka jeedo, kadib, markii Go’aan lala gaaray Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye bishi iJanaayo ee sannadkan.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Saraakiisha Socdaalka siiyey Warbixin been ah bishi iJuly ee sannadkii 1997-kii, xilligaasi oo uu codsanayey Dhalashadda dalkaasi.

Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye oo 57 jir ayaa la sheegay in isbuucii hore lagu xiray Garoonka magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, xilli uu Transit ku marayey, isagoo ku sii jeeday Somaliland.

Waxaa la sheegay inuu Garoonka Dubai ku xirnaa muddo 7 saacadood oo ay  Saraakiisha Imaaraadka wax ka weydiinayeen Masjidka As-sabar ee K/galbeed ee magaalladda Portland ee dalka Maraykanka.

Bishii October ee sannadkii hore, Qareenadda Maraykanka waxay u sheegeen Maxkamadda Rafcaanka Federalka in Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye lagu daray Liiska dadka aan dhoofi Karin, iyadoo sabab looga dhigay Taariikhdiisa inuu ka mid ahaa Dagaalyahanadii Mujaahidiinta dalka Afganistan ee la-dagaalam Ciiddankii Ruushka.

Hay’adda FBI-da waxay u sheegtay Xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Caddaaladda Maraykanka inuu Kaariye xiriir la lahaa Usaama Bin Laadin iyo Hoggaamiyayaal kale oo ka tirsanaa Ururka Alqaacida, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Dowladda Maraykanka kala laabatay Dhalashadda dalkooda Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye waxay ku soo beegantay bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan, mana ah qofkii ugu horreeyey oo Somali ah oo lagala laabto Dhalashadda dalka Maraykanka.

©️Xigasho: Radio Dalsan/oregonlive