Wasiirka Wasaarada Haweenka oo bilowday bur burinta Ururka Haweenka Qaranka

Gudoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo maanta warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa waxa ay eedeyn usoo jeedisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya .

Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in wasiirka wasaradda haweenka Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji yuusuf ay dooneyso in ururka haweenka ay kabaxsato guriga hooyooyinka oo ay deganyihin si ay uga furato goobo ganacsi.

Waxa ay sheegtay in mar ay kulan la qaadatay wasiirka wasaaradda haweenka ay uso jeedisay in bil kasta mushaar 5,000 oo doolar ah qaadato haweenka ay hogaanka utahayna kasoo dhexbaxdo si ururka l magaciisa meesha looga saaro .

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka qabato Musuq maasuqa ay waddo Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog

Batuula Gabale ''Gabadha wasiirka Haweenka ah ayaa igu tiri guriga Hooyooyinka igu soo wareeji, Maqaayado ayaan ka sameysanaa 5, 000 dollar Mushaar ah ayaan kuu qoraa''

Posted by Goobjoog on Axad, Maarso 03, 2019