Howlgal laga sameeyay SH/Dhexe oo lagu qaaday 13 isbaaro laguna gubay meelahii gabaadka u ahaa burcadda (Sawiro)

Howlgal balaaran oo lagu ciribtirayey burcadda jidgooyooyinka dhigata waddooyinka ayaa laga sameeyey jidka dhinaca xeebta mara ee isku xira magaalada Muqdisho iyo degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa waxaa ka qayb qaadanayay masuuliyiin & saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo uu horkacayey guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan, waxaana lagu qaaday illaa 13 isbaaro oo maleeshiyooyin hubeysan u yiilay inta u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Cadalle kuwaasoo gaadiidka Shacabka ka qaadi jiray lacago baad ah oo sharciga ka baxsan.

Ma jirto cid lagu soo qab qabtay howlgallada ciidamada qalabka sida ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadalle ka dib markii ay ka carareen maleeshiyooyinkii joogay ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada howlgalka waday, waxaana la gubay bushash ay harsan jireen kooxaha isbaarooyinka joogay si aysan mar kale ugu soo laaban.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe iyo masuuliyiinta la socotay ayaa kulamo la qaadanayey odayaasha iyo waxgaradka degaanada laga qaaday isbaarada, iyagoo ka wacyi geliyey iney la dagaalamaan kooxaha isbaarada dhigta, waxayna masuuliyiintu digniin ku bixiyeen in talaabo adag laga qaadi doono cidii dambe ee isbaaro lagu arko.

Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amarkii ka soo baxay Madaxweynaha Somalia, isla markaana kaashanaya ciidamada qalabka sida ay ku dhaqaaqeen howlgalkan oo uu xusay inuu socday sadex cisho laguna guuleystay.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka degan goobaha isbaarada laga qaaday iney ka shaqeeyaan nabada lana dagaalamaan kuwa jidgooyada dhiganaya” ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan oo ah gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe.

Halkan ka daawo sawirada