Howlgal balaaran oo ka bilaabanaya Gobolka Gedo

Waxaa lagu wadaa in dhowaan duulaan wajiyo badan leh ay qaadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Gedo.

Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Caalin ayaa ka warbixiyay Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in uu bilowday Wejigii labaad ee Howlagalada Al-Shabaab loogu saarayo degaanada ay hada ku sugan yihiin.

Sidoo Kale Taliyaha ayaa sheegay in ay Howlgaladaasi daba socdaan kuwa kale oo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Gobolka Gedo.
Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Caalin ayaa tilmaamay in Ciidanka ay diyaarsan yihiin isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Howlgaladaasi loogu guuleysan lahaa.

Gaashaanlaha ayaa intaas ku daray in ay jirto dhiiranaan laga dareemayo Ciidanka isla markaana ku tilmaamay in ay Soomaaliya markaan heysato Ciidan niyada u dhisantahay.

Al-Shabaab ayaa ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana Xiliyada qaar ay Weeraro ka geystaan Xarumaha Maamulka Gobolka Gedo.

Al-Shabaabka ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxay la kulmaan Weeraro cirka ah oo inta badan uga yimaada Ciidamada Cirka ee dowladda kuwaas oo qayb ka ah Ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.