Horjooge ka tirsan Al-Shabab Oo lagu dilay Hiiraan (SAWIRRO)

Sida ay tabisay idaacada ciidamada Qalabsida SNA RADIO horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan iyo 60 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu Dilay howlgal Qorsheysan oo
Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 16Aad Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ururka 7aad ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa hogaaminaye Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan, iyaddoo lagu burburiyey Xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo Goobo ay Argagixisada ku qaadan jireen lacago Baad ah waxaana dab la qabsiiyay dhamaan xarumihii ay lacagaha baada ah ku qaadi jireen.
Jabril Yahye Isse
Goobsan Media Inc