Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in Hoggaamiye ku xigeenka Ururka Daacish ee Soomaaliya lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda sirdoonka Soomaaliya oo diiday magacooda ayaa u sheegay AP in Mahad Macallin lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna Xeebta Liido halkaas oo la soo dhigay Maydkiisa.
Ehelka Mahad ayaa sidoo kale u sheegay AP in Mahad ay dileen ku xigeennada Daacish,maaddaama sida ay sheegeen uu tartan xoog leh u dhaxeeyo hoggaamiye ku xigeennada iyada oo uu xanuunsanayo hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/Qaadir Cali Muumin.
Hoggaamiyaha lagu dilay Muqdisho ayey dowladda Mareykanka Bishii February saartay cunaqabateyn kaddib markii la ogaaday in uu fududeeyay in Daacishta Soomaaliya ay Hub kala soo degtay Xeebaha Soomaaliya,isaga oo ka soo qaaday dhinaca Dalka Yemen.
AP ayaa ku warrantay in qofkii beddeli lahaa C/Qaadir Cali Muumin uu tartan ka dhex abuuray ku xigeennada Hoggaamiyaha Daacish,waxaana qofka ku dilay Muqdisho lagu sheegayin ay Ehelyihiin Mahad Macallin oo uu Kursiga ka dishay.