Hey’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha oo ka hadashay dhiibistii Qalbi dhagax

Human Rights Watch oo ah Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan Qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka bariga Afrika.

Waxay sheegtay Hay’adda in dhibaatooyin ay la kulmaan Qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.

Dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis Ababa aysan kaliya ahayn Qalbi dhagax balse waxa ka mid ah nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.

Waxay kaloo xustay Hay’adda Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya, kaasi oo dhowr sano ku noolaa magaalada Muqdisho.

Hay’adda difaacda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa (Qalbi-Dhagax) 6-dii bishan ku eedeysay in uu Argagixiso yahay, Al-shabaabna uu xiriir la lahaa, sidaasi darteedna ay ugu wareejiyeen Dowladda itoobiya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaabilay mooshin ku saabsan sida loo wajahay arrinta (Qalbi-Dhagax), waxaana markii dambe loo saaray Guddi baaritaan ku sameeya oo 15 xubnood ka kooban.