Hey’ad Fadhigeedu yahay magaalada London oo sheegtay in Al-Shabaab ay Sanad gudihiis geysteen 879 Weerar

Xarunta Cilmi-baarista Kontoroolka Khataraha ee (Control Risks) ee fadhigeedu yahay magaalladda London ee dalka UK waxay shalay soo saaartay Warbixin ay ku sheegtay inay Alshabaab 879 Weerar ka geysteen Somalia tan iyo bishii April ee sannadkii hore, waa sida ay Hay’addu qortay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Xarakadda Alshabaab oo maamusha dhul ballaran ay dagaal kula jirtay Dowladda Somalia iyo Ciiddanka AMISOM tan iyo sannadkii 2007-dii.

Xarunta Cilmi-baarista Kontoroolka Khataraha ee (Control Risks) waxaa kaloo lagu xusay inay sare u kaceen Weeraradda ay Alshabaab geysteen tan iyo sannadkii 2013-kii, isla markaana ay Alshabaab geysteen 60% weeraradda ay Kooxaha Islaamiyiinta ka geystaan dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Alshabaab weeraro ka geysteen dhowr Waddan oo ka mid ah dalalka taageera DFS, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda iyo Ethiopia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu shaaciyey inay Kenya dhibaato xooggan kala kulmaan  weeraradda  Alshabaab oo iyagu 79 weerar ka fuliyey gudaha dalkaasi.