Hay’adda NISA oo shaacisay iney jiraan qorshayaal lagu khaarajin rabo Farmaajo iyo Rooble

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed oo lagu daabacay barta Twitterka ee Hay’adda NISA ku leedahay ayaa lagu sheegay in madaxda Qaranka warbixin NISA ay siisay warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-shabaab oo ay ku doonayaan iney ku khaarajiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku shaacisay magaca ninka hoggaaminaayo shirqoolka Al-shabaab ay ku doonayaan iney ku dilaan Farmaajo iyo Rooble, kaasoo ay ku sheegeen in lagu magacaabo Maxamed Maahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha iyo R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh ”  ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Qoraalkaan kasoo baxay Taliska NISA ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan uu Raysal wasaare Rooble meel fagaare ah ka shaaciyay inuu haayo qoraalo uu sheegay iney ugu soo hanjabeen ragii dilay Ikraan Tahliil, islamarkaana ka dambeeyay qorshahii lagu dilay Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee dalka, taasoo bishii lasoo dhaafay lagu dilay Qarax Ismiidaamin ahaa oo iyada lagula beegsaday magaalada Baledweyne.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc