Hay’adaha Amniga oo Soo Bandhigay Hub iyo Ragii Watay (SAWIRRO)

Howlgal ay xalay ka sameeyeen Ciidamadda xasilinta Caasimadda Xaafada Xamar Bille ee Degmadda Warta-nabadda ayaa lagu qabtay rag kamid ahaa dadkii dhaca u geysan jiray shacabka  Xaafadda.

Ragga lasoo qabtay ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska Degmadda Warta-nabadda,waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax), guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo  Saraakiil ka Tirsan Booliska iyo nabadd Sugidda.

Ugu horeyntii guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey oo goobta ka hadashay ayaa ugu mahadcelisay Ciidamadda Xasilinta sida fudud ay kusoo qabtaan  raggaan oo dhibaatooyin ku hayay shacabka Degmadda.

Waxa ay sheegtay in  mid kamid ahaa Raggii dhaca geysan jiray uu baxsaday islamarkaana ay ku raad joogaan Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa sheegay in amniga uu ku jiro Gacanta Shacabka,isla markaana howlgalladaas ay noqon doonaan kuwo joogto ah,isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay ciidamada Gacan ka siiyaan.