Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in nin hubeysan uu halkaasi ku dilay haweenay Ganacsato aheyd.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada haweenayda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Warsan Faarax Yacquub, waxaana ay ka mid aheyd Haweenka ganacsatada ah.
Ninkii hubeysanaa ee dilka geystay ayaa waxaa la sheegay in uu baxsaday , waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Puntland.
Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan kooxo hubeysan.