Hargeysa: Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo lagu xukumay xabsi

Maxkamada magaalladda Hargeysa ee xaruunta maamulka Somaliland, ayaa maanta laba sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdi maalik sheikh Musse Coldoon, oo mudooyinkii u danbeeyay ku jiray Xabsi ku yaala gudaha,

Xeer ilaalinta Maamulka Somaliland ayaa kusoo eedeeyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon in uu u gafay Madax katirsan maamulka Somaliland sidoo kale uu taageero cad u muujiyay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo,
Qareenada u doodayay Wariye Coldoon iyo Eheladiisa ayaa kasoo horjeestay xukunka ay Maxkamada ku riday Wariyaha, waxa ayna sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka xabsiga ah ee lagu riday Coldoon,

C/maalik Coldoon ayaa ah wariye ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxaana uu soo gudbiyaa fariimo la xiriira dhibaatooyinka nololeed ee heysta dadka dan yarta ah,