Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka oo ka hor yimid xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada

Shir ay Golaha wasiiradu xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inay xil ka qaadis ku sameeyeen Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xilka qaadistan ayaa lala xariirinayaa dil habeen hore ay u geysteen ilaalada Dr. Nuur jimcaale wasiirki Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka Cabaas siraaji.

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaana sheegay inay arintaasi si kama’a ah ku dhacday ayna ahayd arin shil ah kana xunyahay gacantana ay is galiyeen Qaraabada Wasiirka dhintay uuna u tacsiyadeeyay.

Isaga oo waeysi siinayay Idaacad ku taala magaalada Muqdisho Dr. Nuur ayuu sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya aysan xilka ka qaadi karin, awoodna aysan u laheyn arrintaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay Dr. Nuur Faarax Jimcaale keliya in ay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka Soomaaliya, wadadaasi hadii la soo marana uu aqbali doono xil ka qaadista.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in asaga iyo R/wasaare Khayre ay isku hayeen maalmahan dambe arimo la xariira Sharciga dalka iyo Taasna uu ku sheegay in R/wasaarahu doonayo inuu wax walba asagu maamulo taasna ay tahay mid sharciga ka hor imaanaysa.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmahan in uu ka dhaxeeyay khilaaf yar, wuxuuna sheegay arrintaasi in uu uga faa’ideysanayay xil ka qaadistiisa.