Halkee laga helay Qishka imtixaanka Dowladda.

sida aan warar lagu kalsoonaan karo ku helayno imtixaanaatka ardaydu ay heshay waxa ay ka imaadeen dhowr Jiho oo kala duwan marka loo eego howlwadeenada imtixaanaatka shaadiga dugsiga sare ee dowladda federalku ay qabaneyso taasoo ay guddi u saartay wasaaradda waxbarashada gudigaas oo rag ka mid ah ay xariir dhow la laahaayeen iskuulada dugsiyada sare ee ka qayb galaya imtixaanaatka.

Arday iyo macalimiin si hoose ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalintii ugu horeysay ay iibsadeen Su’aalaha imtixaanka sidoo kalena ay caawinaad ka heleen Macaliiinta iskuulada ay dhigtaan waa sida uu inuu sheegay mid ka mid ah Macalimiinta Iskuulada.

ragga la shaqeeya guddiga imtixaanaatka ee wasaaradu u xil saartay howlaha imtixaanka iyo jadwalka maadooyinka sida loo galayo ayaa fududeeyay helitaanka imtixaanka ayagoo la shaqeeya ilaa iskuulada gobolada oo sida aan xogta ku helnay tilmaameysa in magaalooyinka baydhabo iyo cabudwaaq ay ahaayeen meelaha ay ka imaanayeen qishka baahsan.

Sidoo kale iskuulada sida wayn uga shaqeeyay in la helo qishka ayaa waxa ay yihiin Iskuulo magac leh oo aan dooneyn in ganacsigooda ku saleysan nidaamka waxbarashada uu hoos u dhac ku yimaado hadii ay dhacaan ardayda.

ugu dambeyn wasiirka waxbarashada cabdullaahi goodax bare ayaa sheegay in la joojiyay imtixaanki ay dowladu ay qaadeysay dibna loo bilaabi doono 27-ka bishan may.