Halkee ku suganyihiin Militaragii soo galay Jig jiga

Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen ayaga iyo shacabka, markii ay rabshaduhu ka billaabanayeen Jigjiga ayaa la sheegayaa inay weli magaalada ku sugan yihiin.

Dad kala duwan oo la hadlay BBC Laanta afka soomaaliga ayaa u sheegay in ciidankaas ay shalay isku dayeen inay ka baxaan magaalada, hase yeeshee dad caraysan ay ka dalbadeen inay hubka wareejiyaan.

Ciidanka ayaa markaa ka dib waxaa khasab ku noqotay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askari oo milateri ay ku jiraan.

Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska.

Ilaa 100 askari askar lagu qiyaasay ayaa iyagana la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegayo in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka.