Xoogaga Ururka Al Shabaab gaar ahaan guutada jugta culus ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay madaafiic ku weerareen saldhig Millatari oo ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin meel ku dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dadka degaanka ayaa maqlay jugta madaafiicda, islamarkaana durba ay xigtay madaafiic kale oo ay ku jawaabeen ciidanka Itoobiya ee weerarka lala eegtay.
Shabaab war ay ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen madaafiicda ay saldhiga ku weerareen ilaa Shan ka mid ah inay gudaha u galeen saldhigga oo xilligaasi ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidan badan, islamarkaana uu jiro khasaare.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidanka Itoobiya, saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sheegay inuu jiro weerarka madaafiicda ah, mana bixin faah faahin intaas ka badan.
Shalay oo ugu dambeysay Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay ciidamada Itoobiya xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey oo ka tirsan gobolka Gedo.