Gurmadkii loo diray Mukhtaar Roobow oo gaaray degaanka Abal iyo Degaankaas oo…

Xaalada degaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa saakay degan, kadib markii shalay ay halkaasi ku wada dagaalameen Maleeshiyo uu wato Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen degaanka Labaatan Jirow oo markii hore ay ka yimaadeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay degaanka Abal oo ka tirsan Bakool ay hada gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay C/risaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya u jeedka ay halkaasi u gaareen Ciidamada in uu yahay sidii ay garab Millitari u siin lahaayeen Sheekh Muqtaar Roobow oo Shabaab ay soo weerareen.

“Ciidamada hada waxa ay ku sugan yihiin degaanka Abal iyo hareerahiisa, waxayna ku sii socdaan dhulka buuraleyda ah ee Dagaalka uu ka dhacayo, arrintan dhacday ayay u imaadeen Ciidamada, si xaalada meesha ka jirta ay wax uga qabtaan, ugana hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday”. Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Amniga Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa dhawaan liiska waxa loogu yeero argagixisada wuxuu ka saaray Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hadda Sarkaal ka madax Banaan Ururka Al Shabaab.