Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow war ka soo saaray xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maqaamka Caasimadda Muqdisho.
War saxaafadeed uu soo saaray Guddoonka Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimadda ay tahay awood qaar u ah Baarlamaanka.
“Maqaamka magaalada madaxda Federaalka waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegidda dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka.
Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga hortago wax walba oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaafaad Dastuuri ah.
Halkan hoose ka akhriso warka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka.












