Gudoomiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir oo sameeyay arin ku cusub Siyaasada Soomaaliya (Sawiro)

Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir oo xilka laga wada qaaday ayaa sameeyay arin aan horey loogu arkin saaxada Siyaada Soomaaliya kadib markii ay Gudoomiyayaashii hore ay ku casuumeen casho sharaf kuwa cusub isla markaana ay si wada jir ah meel uga wada afureen.

Ujeedadaa casuummadda ay guddoomiyeyaashii hore ee G/Banaadir ugu fidiyeen saaxiibadood xilka uga danbeeyay ayaa lagu sheegay wax ka bedelka dhaqanka Siyaasadeedka Soomaaliya oo aanay hore u dhicin in mas’uuliyiin xilalka laga qaaday ay haddana marti qaadaan madaxda  kale ee xilka kala wareegay.

Waxaa casho sharafka goobjoog ka ahaa qaar ka mida madaxda Gobolka Gobolka Banaadir sida guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo madax kale.

SAWIRO