Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xalay dib u daah furay Taalada Axmed Gurey oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska KM4.
Taabit oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay wax weyn ka tareyso Taaladan Nabadda iyo bilicda caasimadda, shacabkana looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.
“Taaladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha, Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Taalada Axmed Gurey ayaa kulmisa dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxayna isku xirtaa wadooyin waa weyn oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Dhowaan sidoo kale waxaa dib loo furay Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waaberi, oo dib u dayactir lagu sameeyay, taasi oo lagu soo aadiyay maalmihii xuriyadda Soomaaliya.
SAWIRRO