Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay ka sameeyeen shalay galinkii dambe isgoyska KM-4 ee Degmada Hodan.
Ciidamada AMISOM ayaa jiiray gaari uu lahaa Muwaadin Soomaliyeed oo yaalay wadada aad dhanka Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee aadan Cadde,waxayna taasi keentay in gaariga uu soo gaaro burbur aad u xoogan.
“Waxaan aad uga xumahay falka ay maanta geysteen ciidanka Amisom, Waxaan la xiriiray madaxda ugu sareysa Amisom oo aan kala hadley falka ey maanta geysteen jawaab ayaana ka sugeynaa in ay ka bixiyaan,waxaan raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee garigiisa waxyeelada ay kasoo gaareen. si buuxda ayaana ula xisaabtamidoonaa shalay maanta maahan wey dhamaatey wakhtigii muwaadinka somaliyeed dalkiisa lagu waxyeeleeyo xaqiisana uu waayo u-jeedkeenu waxaa waye arinka dhacay in uusan dib dambe u dhicin”, ayuu yiri Gudoomiye Taabid.