Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu sameeyay Gollaha Guuddiga Aminaga ee Gobolka Banaadir.
Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo Golahan cusub oo howshoodu noqon doonto sidii ay u sugi lahaayeen amaanka Caasimada Muqdisho oo baryahan dambe laga dareemayo dayacnaan dhanka amaanka ah.
Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa saxaafada u akhriyay wareegtada ka soo baxday Guddoomiye Taabid, waxaana uu tilmaamay in Golahan xubin ka yihiin hey’adaha ammaanka.
Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, waxaana xubin ka ah.
1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga
2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir
3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka
4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska
5- Taliyaha Nabadsugida
6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka
7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Golaha Amniga ayaa waxay isku duwi doonaan howlaha hey’adaha Amniga Gobolka Banaadir, isla markaana si toos ah Amniga Gobolka Banaadir uga shaqeyn doonaan.
Lama oga waxa uu Golahan ka duwanaan doono Guddigii Amniga Gobolka Banaadir ee horay u jiray, kaasoo la magacaabay xilligii Guddoomiye Muungaab, hase ahaatee waxa ku cusub Golahan ayaa ah inay xubno ka yihiin Xeer Ilaaliye kuxigeenka, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Xabsiga
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid muddooyinkii u dambeeyay si xumaanayay, iyadoo qaraxyada ay ku soo badanayeen, waxaana la ogeyn sida Golahan Amniga ee uu ku dhawaaqay Guddoomiye Taabid ugu guuleysan doono howsha hor-taala ee ugu weyn tahay sugida Amniga iyo Xasilinta magaalada Muqdisho.