Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta Xarunta Aqalka dowladda Hoose kula kulmay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Saraakiisha Laamaha Ammaanka iyo Taliska AMISOM.
Kulankan ayaa looga hadlay dardar gelinta Amniga iyo sidii loo diyaarin lahaa qorshe lagu xaqiijin karo Amniga Caasimadda, kaasoo ay door muuqda ka qaadan Ciidamada kala duwan ee hey’adaha amniga iyo AMISOM.
Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Cirfiid iyo Taliyaha Guud ee AMISOM Gen. Subagle ayaa shirka ka soo jeediyay talooyin ku aadan xaga amniga iyo sida la isaga kaashan karo dardar gelinta dhinaca ammaanka.
Waxaa la isla gartay in la fuliyo go’aanadii amniga ah ee ay soo saareen Golaha Wasiirada, kaasoo door hoggaamineed lagu siiyay Gobolka Banaadir, iyadoo la dhisayo ciidamo wadajir ah oo ka qeyb qaata howl galada amniga oo isugu jira Boolis, Milateri iyo Nabadsugid iyo AMISOM, kuwaasoo loogu magac daray JOCC.
Golaha Amniga ee uu guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa lahaan doona doorka hoggaamineed ee Ciidamada wadajirka.
Hey’addaha Ammaanka ayaa bilaabi doona howl gallo lagu sugayo ammaanka, iyadoo qorshuhu yahay in la xoojiyo amniga Caasimadda, iyadoo ay soo fool leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan oo Al-Shabaab looga bartay inay weerarada kordhiyaan.