Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa Maantay dhagax dhigay Wadadda Jeneral Daaud Ee dhexmarta Degmooyinka Boondheere Iyo Warta Nabadda.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ka codsaday Shacabka degan Hareeraha Wadadaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka inta uu socdo dhismaha wadada.
Gudoomiye Taabid ayaa sidoo kale sheegay in laga shaqeyn doono Nadaafadda Caasimadda.