Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kaddib xanuun deg deg ah oo shalay gelinkii dambe ku soo booday.
Axmed Abroone Amiin ayaa ahaa Guddoomiye kuxigeenkii Baarlamaankii Carte lagu soo dhisay, waxaa xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde.
Xalay Saacaddu Markay aheyd 3:00 habeenimo ayuu geeriyooday Alle ha u naxariistee Axmed Abroone Amiin.
Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka ayaa maanta waxaa lagu waddaa in Aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu muddo 100 maalmood uu dalka ka ahaa Ku sime Madaxweyne, iyadoo tan iyo sanadkii 2000 aanu ka bixin dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho la qeybsanayay duruufaha kala duwan ee uu dalku soo maray.