Maamulka Gobolka Gedo ee Jubba-land ayaa ku dhawaaqay dagaal ciidamada kenya loogu hortagayo fargelinta ay ku hayaan degmada Baladxaawo.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gedo Cisman Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in faragalinta ciidamadda kenya ay ku hayaan dhulka Soomalida aan loo adkeysan karin islamarkaana ay ka hortagi doonaan arintaas.
“Dowladda Kenya wax ay maanta bilowday ma ahan faragalinta iyo dul balaarsiga ay ku hayso Soomaliya,runtii shacabka jubba-land arintaas way ka hor yimadeen,waxaan sidoo kale ku dhawaaqnay dagaal ka dhan Ciidamadda kenya”, ayuu yiri Cisman Nuur Xaaji.
Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay degmadda Balad-xaawo ee Gobolka gedo waxaa ka jirey xiisad u dhaxeysay Ciidamadda Dowladda Kenya iyo dadka degmadaas oo ku aadan dul balaarsi ay dowladda kenya ka wada gobolka.