Gudoomiye Jawaari oo warqad jawaab ah u diray Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir Warqad jawaab u aheyd codsigii uu Xeer Ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa xasaanad ka qaadid Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Warqadan oo ka koobneyd Saddex bog ayaa waxa ay ku taariikheysneyd 19-ka bishan December 2017-ka.

Guddiyada Joogtada ayaa shir gaar ah waxa ay ka yeesheen 18-kii bishan warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku dhaliilay Xeer Ilaaliyaha in iyadoo aanu Guddoonka soo gaarin warqadii codsiga xasaanada uu saxaafada ka sii daayay, isla markaana ka sheegay magacyada labada Xildhibaan, taas oo lagu sheegay inay mid qalad ah oo baal marsan sharciga.

Halkan hoose ka akhriso warqada Guddoomiyaha Golaha shacabka