Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari ayaa qoraal uu soo saaray una kala direy qaar kamid ah hay’adaha dowlada waxa uu ku sheegay inaysan waxba ka jirin xilka qaadis uu ku sameeyay xoghayaha guud ee golaha shacabka guddoomiye ku xigeenka 1aad.
Qoraalkan ayuu ku sheegay Jawaari in magacaabista iyo xilka ka qaadista xoghayaha guud ay tahay mid uu awoodeeda leeyahay Guddoomiyaha golaha shacabka sidaas awgeedna aysan waxba ka jirin xilka qaadista uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudey uu ugaga qaaday xilka xoghayah guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux,
Halkan hoose ka aqirso qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed;