Gudoomiye Jawaari oo Iscasilay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa goordhaweyd iscasilay.

Iscasilaada Jawaari ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) uu kulan waqti badan qaatay uu xalay kula yeeshay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana lagu qanciyay in uu iscasilo.

Inkastoo Jawaari uu dhowr jeer oo horey diiday in uu iscasilo, ayaa hadana Madaxweyne farmajo ayaa dadaal u galay siduu u qancin lahaa.

Dhanka kale waxaa maanta baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo codka kalsoonida loogu qaadi laaha Gudoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa laba jeer noqday Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, sanadihii 2012-kii, iyo 2017-kii.

Mooshinka Jawaari ayaa soo bilowday 14-kii Maarso kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay xeer kasoo saareen Heshiiska DP World iyo Somali-land.

Intaas kadib xildhibaano garab ka haysa Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa Mooshin ka keenay Jawaari, sida dhankiisa uu dhowr jeer ku celceliyay.

Dhanka Kale Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad C/wali muudey ayaa qabtay warqada iscasilaada jawaari.