Gudoomiyayaasha cusub ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu amray in ay deg deg uga guuraan Hoteelada ay deganyihiin

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku amray Gudoomiyaasha cusub uu dhawaan u magacaabay Degmooyinka gobolka Banaadir in ay ka guuraan hotealada ee Muqdisho ka degan yihiin.

Taabit Cabdi Maxamed Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha cusub ayaa ku amray in ay si deg deg ah uga guraan Hoteelada ee magaalada Muqdisho ka degan yihiin iyo waliba guryaha ka baxsadn degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku wargaliyay Gudoomiyaasha cusub in xilkiisa uu weyn doono Gudoomiyihii aan mudo kooban gudaheeda aan dhax degin degmada uu ku magacaaban yahay.

Qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa degan Hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana Gudoomiyaashan aysan wali u diyaarsaneyn in ay dhax degaan degmooyinka kuna dhax shaqeeyaan.

Amarkan kasoo baxay Gudomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadii uu hirgalo waxa ay noqon doontaa talaabo wanagasan uu qaaday Gudomiyaha gobolka, waxaana horey u jiray qaar kamid ah Gudoomiyaal degmo aan noloshoda jiifan degmada ay maamulaan.

Gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir oon heysan ilaalo ku filan ayaa u muuqda kuwa aan u diyaarsaneyn in xiligan ay degaan Degmooyinka loo dhiibay, waxa ayna isku ilaalinayaan Hoteelada Muqdisho kuyaala oo qaarkood laga dhiibayo qarashka ku baxaya.