Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay dadka sida sharci darada ah loo xiro

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Muwaadiniinta Soomaaliyeed si sharci daro ah la isaga xiro.

Waxa uu sheegay in dadka lagu xirayo Saldhigyada in la hubiyo hadii aysan dambi lahayn la iska fasaxo oo la sii daayo hadii kalena si deg deg ah loo gudbiyo Hay’addaha Garsoorka.

Waxa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Taliyeyaasha Saldhigyada hadii ay qof si sharci daro ah ku xiraan.

Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa uu ka shaqeyn doono Cadaaladda iyo in dadka Soomaaliyeed si siman loogu garsooro.