Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka madaxa-banaan oo Xabsi Guri laga dhigay

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Marwo Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey iyo ilaaladeeda ayaa gelinkii dambe ee maanta xabsi guri loogu dhigay magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Xaliimo Yarey guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa banaan ilaaladeeda iyo Ciidamo ku sugnaa Dhuusamareeb ay isku khilaafeen baaritaan la doonayay in lagu sameeyo Guddoomiyaha Doorashada Madaxa banaan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku saabsan xanibaadan la sheegay in loo geystey Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxabanaan Marwo Xaliimo Ismaaciil.

 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan oo ku aadan Xabsi Guriga laga dhigay Xaliimo Yarey.